![]() |
. |
| Cudurka HIV/AIDS |
|
|
|
| Written by Kaisi | |||
| Sunday, 02 December 2007 | |||
|
Ujeedada maalintan ayaa ah sidii indhaha dadyawga adduunka loogu soo jeedin lahaa khatarta iyo dhibaatada uu cudurkani ku hayo guud haanba dunida Waxaa kaloo maalintan loo adeegsadaa sidii dhaqaale loogu heli lahaa barnaamijyada iyo ololaha lagaga hor tagayo cudurkan khatarta ah. Haddaba sida ku cad warbixin ay dhawaan soo saartay hay'adda ummaddaha midoobay u qaabilsan cudurka Aidska (UNAIDS), waxaa lagu qiyaasay in maanta ay dunida ku nool yihiin dad tiradoodu cagacagaynayso 33.2 milyan oo qaba cuduraka HIV/AIDS. Wadamada uu khatarta weyn ku hayo cudurkani waxaa ka mid ah kuwa ku yaala qaaradda Afrika oo ay ku jiraan wadamada adduunka ugu saboolsani. 1.7 milyan oo ruux oo u dhashay wadamada Afrika ee kulaala saxaaraha ayaa la sheegayaa in ay cudurkan qaadeen sannadkan aynu ku jirno ee 2007. Dhinaca galbeedka Afrika inkastoo aad mooddo in xaaladdu ka yara sahlan tahay haddana wadamada ay tirada dadkoodu badan tahay waxa uu cudurkani ku hayaa halis aad u weyn. Tusaale ahaan wadanka Nayjeeriya oo ah midka ugu dadka badan qaaradda Afrika dadka waaweyn 4% ayaa qaba cudurkan. Wadanka Koonfur Afrika oo ka mid ah wadamada uu sida aadka ah u saameeyay cudurka HIV/AIDS ayaa dadaal weyn ugu jira sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada cudurkani ku hayo wadankaas. Dad tiradooda lagu qiyaasay ila 5.5 milyan oo qof oo reer K/Afrika ah ayaa la sheegayaa in ay cudurkan qabaan. Olololaha la dagaalanka cudurkan ee K/Afrika ayaa waxaa hormood u ah Madaxweynihii hore wadankaas Mr Nelson Mandela. Bandhig faneed lagu xusayay maalintan oo ay ka soo qayb galeen fannanin dunida caan ka oo lagu qabtay magaalda ayaa waxaa kala qaybgalay mr Mandela. Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka loo yaqaan 466664 oo iyaga loogu magac daray lambarkii maxbuusnimada Mandela ee xiligii uu jiray xabsiga jasiirada Robin ayaa waxaa isugu yimid dad gaadhaya ilaa 50,000 oo qof. Wadanka Soomaaliya oo aan isagu lahayn dawlad dhexe 17kii sanno ee u dambeysay ayay adagtahay si loo ogaado tirada dhabta ah ee qabta cudurka HIV/AIDS. Guud ahaanba cudurkan oo siyaabaha uu ku faafo ay u badantahay anshax xumada iyo galmada xaaraanta ah ayaa sababaysa in Soomaalida cudurkan qabtaa ay qarsadaan. Wadamada Soomaaliya ay ood wadaagta yihiin ee Itoobiya iyo Kenya oo uu cudurkani farabaas ku hayo dadkooda ayaanay shaki lahayn in Soomaaliya ay saamayn weyn ku yeelanayaan maadaama ay Soomaalidu labadaas wadan aad ugu safraan, kuwo badana ayba deganyihiin. Dadka Soomaaliyeed ee ku dhiiraday in ay shaaca ka qaadaan cudurka HIV/AIDS ee asiibay waa kuwo fara ku tiris ah.
Aamina Xuseen Aadan Alle ha u naxariistee waxa ay ka mid tahay Soomaalida ugu horeysay ee shaaciyay in ay cudurkan qabaan. Xilligii uu socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu qabtay wadanka Kenya ayay Soo baxeen warar sheegaya in xubno ka mid ah ergada shirkaas ka qayb galaysay oo baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday in ay qabaan cudurkan halista ah inkastoo aan shaaca laga qaadin magacyadooda. Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki lahayn in cudurkani halis weyn ku hayo guud ahaanba dadyawga dunida iyadoon illaa haddana lahayn dawadii lagula tacaali lahaa cudurkan. Aqoonyahanada caafimaadka ayaa aaminsan sida ugu habboon ee aad cudurkan uga badbaadi kartaa amarka Eebbe ka sokow inaad ahaato qof dhawrsoon oo aad uga dheeraada fusuqa, kuna koobnaada afadiisa am seygeeda. Taasina waa midda ay inna farayso diinteena muqadaska ah ee Islaamku. Ismail A. Hassan (khaliil) WardheerNews, London, U.K. |
|||
| Last Updated ( Tuesday, 17 November 2009 ) | |||
| Next > |
|---|
Somali Newspaper offices Attacked
A firebomb attack has caused extensive damage to the offices of The Somali Voice...
Cudurka HIV/AIDS
Cudurka HIV/AIDS oo weli khatar weyn ku haya dunida siiba Afrika Waxaa maanta du...