Lost Password? Register
  • Narrow screen resolution
  • Wide screen resolution
  • Auto width resolution
  • Increase font size
  • Decrease font size
  • Default font size
  • default color
  • red color
  • green color
.
St. Agnes Lodge, Thomas Street, Bristol. BS2 9LJ  Tel: 0117 941 3400 Mob: 07769970314 E-Mail info@thesomalivoice.co.uk
home arrow Miscellaneous arrow Danjiraha Somaliland u Fadhiya Dalka Ireland oo Booqasho ugu tagay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Danjiraha Somaliland u Fadhiya Dalka Ireland oo Booqasho ugu tagay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland PDF Print E-mail
Written by fatah   
Sunday, 28 February 2010

Bristol (Somali Voice) 28/02/10 Danjiraha Somaliland u fadhiya Dalka Ireland Mudane Cabdifataax Siciid Axmed oo uu weheliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Somaliland Mudane Cabdi Yuusuf Aadam ayaa Cisbitaalka ku booqday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yusuf Yaasin oo arrimo caafimaad  waayahanba ugu jiray cisbitaal ku yaala Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Jariirada Somali Voice oo wax ka waydiisay Safiirka xaalada caafimaad ee uu ku sugan yahay Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxa uu sheegay in ay aad iyo aad u wanaagsan tahay xaalada caafimaad ee Madaxweyne ku xigeenku, waxaana uu Danjire Cabdifataax bulshada reer Somaliland ugu bushaareeyay inuu aad ugu rajo weyn yahay in si dhakhso ah uu cisbitaalka uga soo bixi doono Madaxweyne ku xigeenku, marka uu dhamaysto nasasho kooban oo uu qaadan daano maalmo kooban. 

Waxaa kale oo Mudane Cabdifataax si adag u canbaareeyay kooxaha warxume tashiilka ah ee faafiyay warkii aan salka iyo raadka lahayn ee ay ku sheegeen inuu Geeriyooday Madaxweyne ku xigeenku. " Waxaan si adag u canbaaraynayaa kooxaha cadawga ah ee beenta fidiyay, kuwaasi oo u muuqda inay yihiin qaar naxariis daran oo mudan in la canbaareeyo" Ayuu yidhi Safiirka oo cadho aad u badani ay ka muuqatay wajigiisu. 

Waxaa kale oo uu Danjire Cabdifataax wax lala yaabo  oo aan sal iyo raad lahayn uu ku tilmaamay saxaafada qaarkeed oo baahisay in sababta uu Madaxweyne ku xigeenku u tagay dalka Faransiiska ay ahayd si uu lacag horumarin ah uga soo qaado Shirkada Faransiiska ah ee Dekeda Berbera mashruuca ka fulin doonta dhawaan.

Jariida Somali Voice iyo Shaqaalaheeduba waxay Allah uga baryayaan inuu Caafimaad Degdeg ah siiyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin si uu usii ambo-qaado hawlaha  culus ee uu u hayo Qaranka Somaliland. Kaysar Cabdilaahi Tafatirka Somali Voice Bristol. UK 

Last Updated ( Sunday, 28 February 2010 )
 
< Prev   Next >
Advertisement