Baddu Khalli! Khalli Badadu !
Dhinaca kale iyada oo maalmo yar ka hor uun ay ahayd markii ugu horraysay ee ay dadweynaha Somaliland ku diirsadeen go'aanki golahaas ka soo baxay ee Xukuumada iyo Gudiga Doorashooyinka Qaranka farayay inay ku dhaqmaan diiwaan galintii ay xukuumada iyo gudiga doorshadu sida sharci darrada ah daaqada uga tuureen, iyada oo loo hanweynaa talaabadii tan xigtay ee Baarlamaanku uu ka qaadi lahaa Xukuumada iyo Gudiga Doorashooyinka maadaama ay si cad u diideen fulinta go'aanada Baarlamaanka, lana sugayay in Xil ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweynaha iyo Xubnaha Gudiga Doorashooyinka oo noqday qaar sharci jabis ah, fidno culusna qaranka u horseedi kara hadii aan layska qaban inta goori goor tahay, ayaa arrintii waxay isu badashay BADDU KHALLI!
Golihii Baarlamaanka ayaa ku danbeeyay inuu noqdo Xero Jabadaan oo si foolxumo ah oo yaqyaqsi leh ay xubnihii Baarlamaanka Somaliland ee loo hanwaynaa ay u dhaqmeen sidii Carruur Jabadaan ciyaaraysa oo inta carruurtii qaarkood xanaaqeen ay yidhaahdeen Baddu Khalli, lama ciyaari karo iyaga oo masaxaya xariijimihii dhulka la jeexi jiray marka jabadaanta la ciyaarayo.
Masuuliyiinta Baarlamaanka ee shalayto u dhaqmay sida foolxumada iyo yaqyaqsiga ahi waxay waji gabax ku rideen guud ahaan dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay caalamka ku nool yihiin, waxaana ay ku kaceen fool xumo taariikhi ah oo ay waajib tahay inaan la cafiyin, iyada oo dadweynaha Somaliland ay waajib ku tahay inaanay mar danbe codkooda siin Xildhibaanada u dhaqmayay sidii mooryaantii Baarlamaankii Embagati ee Nayroobi joogay.
Dhinaca kale Xukuumada Somaliland ee uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay inay Xukunka dalka sii haysato ayay taariikhdu u xanbaarin doontaa fadeexada ka dhacday Baarlamaanka maadama ay Xildhibaanadeedii UDUB ay ku soo abaabushay inay qas iyo qalalaase ka ridaan Xarunta Baarlamaanka si aanuu goluhu fursad ugu helin Maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha ee uu Baarlamaanku ku gudo jiro.
Meeday Dhaartii ?
Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa ku waajib ah inay Xasuustaan Dhaartii ay mareen oo ahayd " Waxaan Allah ugu dhaartay in aan Daacad u noqonayo Diinta Islaamka iyo Dalkayga Somaliland, waxaanan Ilaah ugu dhaartay inaan dadkiisa ku maamulayo Sinaan iyo Cadaalad intaan Xilka hayo"
Mudanayaal waxaad xasuusataan Aakhiradiina, idinka oo eegaya dhaarta aad marteen, waxaana idinku waajib ah inaad si degdeg Allaha idin abuurtay ugu toobad keentaan oo aad dalkiina ka badbaadisaan bururka ay kuwado xukuumada maanta dalka ka jirta ee manaxaanka ahi. Waxaa idinku waajib ah inaad si wadaniyadi ay ku jirto aad ugu shaqaysaan dalkiina oo aad ka waantoowdaan in aad shaqaale hoosaad u noqotaan Madaxweynaha sharci jabiska ah.
Waxaan rajaynayaa in aanay mar danbe Xubnaha Baarlamaanku u dhaqmin sida niyad jabka leh ee ay u dhaqmeen shalay, waxaanan aaminsanahay in wali Xubnaha baarlamaanku ay haystaan fursado ay ku saxi karaan khaladkooda, dalkooda iyo dadkoodana wax ugu qaban karaan.